How to start online business
How to start online business

Sidee loo Bilaabaa Ganacsi online ah-Bahdon Talks

In la bilaabo ganacsi cusub waa farxad, laakiin ma ahan wax fudud. Waayo waxalagaaga baahanyahay dhawr waxyaabood inaad go’aansato sida Ganacsi nooceeayaad bilaabeysaa? Badeeco noocee iibineysaa? Iyo waa kuwee dadka aad doonaysoinaad wax ka iibiso iwm.Hadii aad xiisanayo inaad bilaawdo ganacsi online ah haddaba Qormadaan adiga ayayku quseysaa, waxaana kugula wadaagin doonaa dhawr talaabo oo aad u baahantahayinaad qaado si aad u bilaawdo ganacsi online ah.Waxyaabaha aan qormaadan ku Falanqeyn doonno waxa ka mid ah

● Sidee loo bilaabaa ganacsi online ah

● Ganacsi noocee ayaa ah mid fa’ido badan

● Ganacsi online noocee ayaa u fiican daka bilaawga ah.

Waa maxay online business?

Ganacsiyada online-ka ah waa kuwa badeecadahooda iyo adeegyadooda ku bixiya hab onlineah sida Ganacsi E-commerce, ama kuwa adeegyada bixiya sida kuwa wax naqshadeeya amakuwa xogta curiya sida courses ka iwm.

Keebaa Fiican ganacsi online ah ama ganacsi offline ah?

Inkastoo ay labaduba yihiin ganacsiyo, hadane wax inta badan qarash yar kuwaonline-ka waayo uma baahna shaqaalo si joogta ua shaqeeya, sidoo kale inaad storesamaysto uma baahna qarash dheeraad ah, waxa uuna ganacsiga online shaqayn karaxilii kasta 24/7 kumana xirno goob gaar ah oo waa bilaa xuduud sido kale waxaa fududin la ballariyo ganacsiga.

5-taan Tallaabo qaad si aad u bilaawdoganacsigada online-ka ah

STEP 1: Qeex Niche-ka aad GalaysoMarka la rabo in ganacsi la bilaabo in la qeexo meesha aad diiradda saarayso amasuuqa gaarka ah ee aad rabto inaad ku biirto Tusaale: fashion, electronics Gifts andcosmetics. Si cad u qeex suuqa aad galayso. Markasto oo aad qeexdaa suuqa aad sidasaxda u galayso waa markasto oo badataa xaddiga aad ku guuleysan karto,sidoo kalewaxay kaa caaawinaysaa inaad si dhaqso ah ku koriso Brand-kaaga

Waa maxay Niche?

Niche-ka ganacsiga waxa lagu qeexaa Qeyb ka mid ah suuqa taas oo bixisa adeeg amabadeecooyin.

Muxuu Niche-ka Muhiim u yahay?

Si loo aasaaso ganacsi online ah waa muhiim in loo asteeya suuq gaar ah oo uuganacsigaas ku biiro, waa kuwaan qaar ka mid ah faidoyinka in la qeexo niche-ka:

1. Niche-ka waxa uu kaa saacidaa in aas-aasto saldhig Macmiil kuu gaar ah:waxa uu kaa saacidayaa inaad qeexo macamiishaada target-ka ah kuwaas oodoonaya adeegyadaada ama badeecadahaada

2. Inaad kasoo dhex muuqato Tartanka

Marka aad ku jirto dhawr suuq dabacan waxaad tartan kula jirtaa dhawr ganacsioo kala duwan oo ku jira suuqyadaas, laakiin hadii aad suuq gooni ah Targetgarayso waxaad la tartamaysaa ganacsiyada suuqaas ku jira oo kaliya.

Sidee u doortaa Niche?

Markaad dooranayso niche ama suuq aad rabto inaad ganacsi ka bilaawdo 3waxyaabood ka fiiri:

1. Maxaa ku xiisa galiya?Waxaad ka fikirtaa shey aad xamaasad u heyso, shey aad ka hadli karto si xadla’aan ah oo aad fahan badan ka haysato.

2. Maxaad ku fiicantahay?Xirfadaha aad leeedahay haday jiraan, shey aad sanadihii lasoo dhaafay kushaqo jirtay

3. Maxaad lacag ka samayn kartaa?Marka ganacsi la joogo waa muhiim inaad doorato shey lacag aaad ka samaynkartid oo xiiso badan u heyso oo aad u sabri kartid.

Sida loo Helo Niche Faa’iido Leh?

Markaad raadiso qaar ka mid ah niches-ka aad isleedahay waad ku fiicantahay, raadi kuwainternet-ka kuwa ugu faidada badan o samayn kara rogaal celin hadii la qarash gareeyo, hadiiay jiraan ganacsiyo ku jira niche-kaas, kusameey baaritaan waxyaabaha ay ka gaabiyen iyoGap-ka ka jira suuqa, kadibna la imaaw adeegyo iyo badeecooyin xalinaayo dhibkaas aad soodiraaseysay.

Step 2: Dooro Business Model

Markaad haysato fikradaada ganacsi, talaabada xigta waa inaad ogaatid sida lacag loogasameeyo. Talaabadani waxay kaa caawinaysaa inaad ka shaqeysiiso fikradaada, una bedeshoganacsi.

Waa Maxay Business Model?

Si fudud, qaabka ganacsigu [Business Model] wuxuu qeexayaa sida ganacsigu u soo saarodakhligiisa. Tani waa sida ganacsigaagu lacag u sameeyo waxaana suurtogal ah in ganacsigudakhli ka soo galo wax ka badan hal il.

Waa kuwaan 4 ka mid ah Business Models-ka ugu caansan

1. E-commerce Businesses

Habkaan waxaad samaynaysaa Website waxaadna website kaas soo galinaysaaAlaab caadi ama mid Digital ah sida pdf ama courses aad iibinayso, websitekaas ayaa process garaynaayo orders-ka lacag qabashada iyo dhamaaninvoices-ka.

Tusaale: Tusaale Amazon,iyo dhamaan websitekasto oo lagu iibiyo badeecado.

2. Software as a Service (SaaS):

Habkaan waxaad dhisaysaa system ama application ay dadka ubaahanayihin kaas ooka xalinayo caqabad gaar ah, kadibna waxaad ka qaadaysaa lacag bille ah ama halmartoos ah

3. Freelancing:

Habkaan waxaad bixinaysaaa adeeg adigoo adeegaas siinayo ganacsiyo amashakhsiyaad kale, adigoo isticmaalaya xirfadahaada sida Qoritaanka, digitalmarketingka, designing, programming, video Editingka iwm.

4. Affiliate Marketing

Habkaan waxaad suuq geyn u samaynaysaa Alaabaha Ganacsiyada kale, adigoo kupromote garaynayo social media ama samaynaayo website, kadibna waxaad helaysaacommision ama Faido shey kasto oo aad iibiso.F.G: intaan way ka badan yihiin business models-ka balse kuwaan waa tusaalooyin iyokuwa ugu caansan.

Step 3: Qeex macamiishaada

Halkan waaye meesha ay milkiilayasha ganacsiyada yaryar leh ka galaan Qaladaad, waxayisku dayayaan in Qof walbo wax ka iibiyaan, Qof walbo macmiilkaada ma ahan.Ogsoonaaw isku dayga in qof walba aad wax ka iibiso waxa uu keenaya inaad samaynin waxiib ah.Markastoo oo aad qeexdaa macamiishada target-ka ah waa markstoo aad ku soo xirtoBrand-kaaga, waxaadna ku bilaawdaa inaad su’aalahaan is waydiiso:

Waa kuwee macmiishaada? Maxay tahay sababta ay badeecadaada ugu baahanyihiin? Waamaxay dhibka uu xalinayo badeecadaadu? Waa maxay hada badeecooyinka ay ka iibsadaanonline-ka? Halke ku noolyihiin? Social media platform kee isticmaalan inta badan?

Su’aalahan ayaa ku siin doona fikrad cidda aad isku dayayso inaad ka iibiso alaabtaada.

Step 4: BRANDING

Tan waa mida kaa gooni yeelaysa tartamayaashaada, Brandigaada waa inuu ka turjumaqaabka macmiilkaaga iyo Astaamihiisa.Branding-ka ma ahan kaliya in la yeesho logo Qurux badan iyo colors soo jiidasho leh, waa saxin tani door muhiim a ka tahay branding-ka, laakin kama tarjumayso alaabtaad iyo adeegyadaaad bixinayso.

Xasuusnaaw, macamiishu ma arkaan inta shey aad business-kaada u qabanayso waxa kaliyaay rabaan waa natiijo iyo inay helaan shaqsiyad ay daydaan, Macmiilka marka uu shey uuiibsanayo waxa u raba inuu ekaado shaygaas qofka uu kusoo arkay ama qofka ibinaya.

Step 5: Qorshe dajiso

Ma fulin kartid hawl aan kuu Qorsheysneyn, Tani waa halka ay ganacsatada yaryari ay kagudbaan “Marxaladda Idea-ha, Idea ayaan hayaa laakiin ma lahan Qorshe Fulin”Si aad u maamusho ganacsi guuleyta waxaad u baahan tahay inaad raacdo qorshe siwanaagsan looga fikiray oo tallaabo tallaabo ah. Ogaanshaha waxa la sameeyo iyo goorta lasamaynaayo ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta guusha ganacsiga. Si xeeladaysan u qeexyoolalkaaga oo ka shaqee sidii aad ku gaadhi lahayd mid mid.Wax dhib ah maleh marxalada ganacsi ee aad ku sugan tahay, xataa hadii aad hada bilawdayama aad horay u waday ganacsigaaga, waxa aad u baahantahay in aad samaysato qorsheganacsi oo aad maalin walbo dib u cusbooneyso si loo gaaro guulo la taaban karo.Qorshaha ganacsigu (Business Plan) waa dukumeenti si wanaagsan loo diyaariyey oosharxaya waxa ganacsigu qabto iyo sida uu u sameeyo.Tan waxaa ku jiri kara qaybo kala duwan oo muhiim ah sida badeecadaha iyo adeegyada labixiyo, istaraatijiyad qiime-goynta, Saadalinta maaliyadeed, yoolalka sannadlaha ah, yoolalkaiibka, istaraatijiyadda suuq-geynta, astaanta shirkadda iyo hantida kale ee ganacsiga, iwm.Waad qorsheyn kartaa dhammaan waxaad rabto, laakiin haddii aadan fulin karin, waxaa kuudhaanta adigon waxba Qorsheysan.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply